
CAMAR BINU MACDIIKARAB
Waa Kuma Camar Binu MacdiiKarab? Camar Binu MacdiiKarab Al Subaydi Wuxuu Ahaa Halayay Yemeni Ah Caanka Carabta Oo Idil Xiligi Jaahiliga Iyo Islaamka kadib Camar Binu Macdiikarab Wuxuu Ahaa Halyey Xeel Dheer Fardafuulka Waa Ninkii Iska Lahaa Seeftii Caanka Ahayd Samsaamah Oo Ahayd Seef Caanka Ah Carabta Dhankooda Oo Khaas U Ah Camar BinuMacdiiKarb Waa Seef Xoogan Oon Qaloocsamin Seef Qofka Ay Kudhacdo Aanu Dhaawac Yeelan Si Toos Ah U Geeriyoodo Midaas Oo Siisay Hibo Gaar Ah Camar Binu Macdiikarab Sidoo Kale Wuxuu Ahaa Gabyaa
Wuuxuu Soo Islaamay Sanadkii 9aad Hijriyada Sanadkii Qabiilada Ay Soo Geliyaan Diinta Koox Kooxha Wuxuuna Lasocday Qoomkiisa Banii Subayd Wuxuuna Kamid Ahaa Saxaabada Wawayn Ugu Saamaynta Badan Dhanka Jihaadka Sidoo Kale Wuxuu Kaalin Mug Leh Kulahaa Dowr Dagaal Oo Muslimiinta Muuhimad Ugaara Uleh Sida Dagaaladii Labada Dolwadood Ruum Iyo Faaris Ee Xilyadii Khulafaa U Rashidiinta Abuu Bakar Sidiiq Iyo Cumar Binu Khidaab Khdaab Ee Kadhacay Shaam Iyo Ciraaq Sida Yarmuuk ,Qaadisiyah. Run Ahaantii Waxaa Lasheega Inuu Isagu Gacantiisa Kudilay Rustum Ilaa Uu Markii Dambe Ku Shahiiday Dagaalkii Nahaawunda
Waxaa Lasheega Dadiisu Inay Gaartay 135 Sano Waxaa Jira Hadalo Been Abuur Ah Oo Xitaa Lagu Qoray Wikipadia Kuwaas Oo Sheegaya Inuu Ridoobay Camar Geeridi Nebiga Kadib Kabadina Kusoo Laabtay Waqtigi Abuubakar Majirto Daliil Cad Oo Kusugan Kutubta Siirada .
Waxaase Cadeynaya Inay Been Abuurtahay Inuu Sagaara Ujeclaa Cumar Binu Khadaab Cumarna Munaafiq Iyo Murtad Majeclaan Jirin Balse Arintaas U Arag Been Abuur Lagu Sameynaayo Saxaabigaas Hana Kamid Noqon Dadka Aragtidaas Qaba Hana Kudambaabin.Maalin Ayaa Cumar Binu khadaab Ayaa Latacajubi Jiray Khaamadiisa Wuxuu Nin Aad U Xoog Badan Jir Xoogan Leh Maalin Uu Baytul Maalka Biilkasoo Doontay Ayuu Cumar Binu Khidaab Wuxuu Siiyey Laba Laba Kun Oo Dinaar Markaas Buu Camar Ku Yiri
Kun Kamid Ah Caloosha Qeybta Midig Baa Iska Leh Midka Kalena Qeybta Bidix Mid Dhexe Maynu Siina Intuu Qoslay Buu Ugu 500 Dinaar Wuxuu Weydiyay Waxaad Iiga Warantaa Dadka Intaa Lakulantay Qofkii Ugu Geesisanaa Qofki Ugu Fulaysnaa Iyo Qofkii Ugu Xeelad Badnaa ?
Maalin Baan Soo Baxay Anigoo Aargoosi Usocda Anigoo Maraya Jidka Ayaan Waxaan Arkay Faras Xiran Iyo Waramo Isdhaafsan Ninki Lahaa Dhinaca Kaatagan Yahay Seeftiisuna Galka Kabaxsantahay Khaanadiisu Ay Wayntahay Uqaabaysan Joogisa Aan Lasuuraysan Karin
Waxaan Ku Iri Taxadrkaagi Badi Oo Isu Badnow Hadaan Kusoo Kusoo Gaaro Waanku Dilayaa ? Wuxuu Igu Yiri Yaa Tahay ? Waxaan Ku Iri Waxaan Ahay Camar Binu MacdiiKarab Looma Sheegin Magacayga Qof Ilaa Hadii Maqlo Wuu Iga Cabsadaa .Ninki Markii Uu Magacyga Maqlay Wuu Neeftuuray
Wuuna Dhintay Kaasi Waa Qofkii Dad Ugu Fulaysnaa Aan Arkay Maalin Kale Ayaan Soo Baxay Ilaa Aan Kasoo Dhamaaday Deegaankii Anigoo Usoo Baxay Meel Tog Ah Ah Waxaan Arkay Faras Xiran Iyo Waramo Isdhaafsan Ninki Lahaana Uu Kudabaalanayo Ceel Toga Kuyaal Waxaan Ku Iri
Isu Abdnow Qaado Taxadar Kugu Filan Hadaan Kusoo Gaaro Waanku Dili Doonaa ? Wuxuu Igu Yiri Kumaa Tahay? Waxaan Ku Iri Camar Binu Macdiikarab . Wuxuu Yiri Iima Cadaalad Samayn Abuu Sowrow Adiga Waxaad Saarantahay Faraskaaga Dhabarkiisa
Warankaagana Waad Haysataa Anigana Ceelkaan Ayaan Kujiraa Isii Balan Inaadan Idilayn Ilaa Kafuulo Faraskayga Oo Warankayga Soo Qaato Waxan Siiyay Balan In Aanan Dilin Ilaa Uu Faraskiisa Fuulo Oo Warankiisa Qaato
Waxay Necbayeen Carabtu Inay Balanka Jebiyaan Markii Uu Ninkii Kasoo Baxay Ceelkii Wuu Fariistay Seeftiisi Buu Qariyay Waxaan Ku Iri Maxaa Weeye Arinkaa Samaynayso . Wuxuu Yiri Waxad Iga Qaaday Balan Ah In Aadan Idilayn Ilaa Aan Faraskayga Fuulo Oo Warankayga Soo Qaato
Aniguna Maahi Qofki Farskiisa Fuulaya Oo Kula Dagaalamaya Hadii Aad Jebiso Balankaad Iga Qaaday Adaa Iiga Aqoon Badan Qofka Balanka Jebiya Wuxuu Noqonayo Arinkiisu Wuxuu Yiri Waan Iska Tagay Kaas Ayaa Ahaa Qofkii Ugu Xeelad Badnaa Inta Aan Lakulmay
Maalin Kale Ayaan Soo Anigoo Jidka Socda Ayaa Waxaa Igasoo Hor Baxay Fardoole Markii Uu Isoo Dhowaaday Baan Arkay Mise Waa Wiil Dhalinyaro Wuxuuna Ujeeday Dhanka Yamaama Wuu Isalaamay Waanka Qaaday Waxaan Ku Iri Xagee Kujeedaa Wuxuu Igu Yiri Yaamama
Waxaan Ku Iri Waxaan Ku Iri Qaado Taxadar Kugu Filan Waanku Dili Doonaa Wuu Iska Sii Socday Dib Iima Soo Fiirin Hadalna Igumasoo Celin Waan Carooday Waxaana Is Iri Maxaa Weeye Wiilkan Aan Kacabsanayn Geerida Mar Labaad Ayaan Ku Celiyay Hadalkaygii
Waxaan Ku Iri Wiilyahow Isjir Waanku Dilidoonaa Faraaskii Joojiyay Wuxuu Igu Yiri Hadal Aad Ii Taabtay Hoogbaa Kuu Sugnaaday Kumaa Tahay Adigu ? Waxaanku Iri Waxaan Camar Binu Macdiikarab Wuxuu Igu Yiri Waxaad Tahay Qof Hooseeya Oo Duli Ah Walaahi Inaan Kudilo Wax Keliya Oo Iga Hortaagan Waa Quudhsiga Aan Kuqabo Waan Is Qoonsaday Hadalka Wiilku Meel Adag Buu Igaga Dhacay
Laakiin Waan Is Dhaafiyey Waxaana Ku Iri Iska Dhaaf Arinkaas Taxadar Kugu Filan Qaado Labadeena Midbaa Noolanaya Wuxuu Igu Yiri War Orodoo Idhaaf Hooyadaa Kuwaydaye Waxaan Kadhashay Qoys Aan Weligood Dagaal Lagu Cabsiin. Waxaan Ku Iri Aday Kuutaal Wuxuu Igu Yiri Mid Dooro Ama Aan Ku Eryado Ama I Eryo Adigu Waa Xeelad Dagaal Oo Fardoolaydu Samayaan
Marka Fursad Ayaan Kadhex Arkay Waxaan Ku Iri I Eryo Markaas Buu Soo Orday Aniguna Waan Weeraray Ilaa Aan Umalayey Inaan Waranka Dhex Dhigay Garbihiisa Inta Uu Ugambiyey Buu Madaxa Iga Dhuftay Waranka Wuxuuna Igu Yari Tan Qaado Ilaah Baan Kudhaartaye Hadii Anan Necbayn Dilka Kuwa Adigo Oo Kalaa Waa Horan Kudili Lahaa Markaas Geerida Waxaa Igaga Xanuun Badnaa Hadalkaa Yasmada Ah Kabacdi Waxaan Ku Iri Ilaah Baan Kudhaartay Labadeena Midbaa Noolanayo Taasi Iguma Dhacdo
Wuxuu Iyiri Naftaada Mid Udooro Waxaan Ku Iri I Eryo Adigu Markaas Buu Soo Arday Anigana Waan Soo Raacay Ilaa Aan Umaleeyey Inaan Dhexdhigay Waranka GarbihiisaLaakiin Si Lama Filaana Intuu Ugambiyey Ayuu Madaxa Waranka Bartankiisa Iiga Dhuftay Ayuu Yiri Tan Mar Labaad Qaado Hadii Anan Necbayn Dadka Noocaga Ookale Inaan Dilo Waanku Dili Lahaa .
Markaas Waxaan Dareemay Bahdil Waxaana Ku Iri Mar Sadeexaad Wuxuu Yiri Dooro Waxaan Ku Iri Waan Weeraray Ilaa Umaleeyay Ilaa Aan Umaleeyey Inaan Waranka Dhexdhigay Garbihiisa Faraska Intuu Kahoos Baxay Buu Ayuu Dib Usoo Fuulay Faraskiisa Gadaal Intuu Iiga Yimid
Buu Mar Sadexaad Waranka Bartimhiisa Madaxa Iiga Dhuftay Wuxuuna Iyiri Qaado Mar Sadexaad Waxaan Iri Idil Waayo Geeridu Way Iiga Qaalisantahay Waxaa Aan Naftayda U Arko Hada Iyo Carabta Uu Gaaro Warkan Wuxuu Yiri Cafisku Waa Sadex Jeer Hadii Aan Mar Afraad Jaanis Kugu Helo
Waanku Dili Doonaa Markuu Buu Bilaabay Inuu Tixdan Tiriyo Waxaanku Dhaartay Dhaar Adag Hadii Aad Kusoo Laabato Goobdta Dagaalka Camarow Waxaad Lakulmi Doontaa Ololka Waranka Anigoo Kamid Ah Qabiilka Shaybaan Markii Uu Tixdaas Yiri Waanka Cabsaday Cabsi Xoogleh
Waxaana Nacay Geerida Waxaan Ku Iri Yaa Tahay Wuxuu Igu Yiri Waxaan Xaaris Binu Camr Oo Kamid Ahay Fardoolayda Shahbaa Markaas Waxaan Ku Iri Waxaan Rabaa Inaan Noqdo Saxiibkaa Waanu Kuqanacsanahay Midaas Wuxuu Igu Yiri Adigu Matihid Saxiibkay Markaas Waxaan Isku Dayay
Inaan Kuqanciyo Inaanu Wada Saxiibno Markaas Buu Iri War Hooge Magaranysaa Meesha Aan Usocdo? Waxaan Iri Maya Wuxuu Yiri Waxaan Rabaa Inaan Si Cad Udhinto Waxaan Iri Waanku Qanacsanahay Inaan Kula Dhinto Wuxuu Yiri Aan Tagno Markaas Waxaan Soconay Maalintii
Odhan Iyo Habeenkii Habeenkii Barkiisa Wuu Dhamaaday Waxaana Lakulanay Qabiil Kamid Qabiilada Carabta Wuxuu Yiri Camar Dhimashadu Waxay Kujirtaa Qabiilkan Dabadeed Wuxuu Farta Kufiiaqay Teendho Ay Degan Yihiin Qabiilku WuxuuyiriTeendhadaas Waxaa Kujirta Geeri Cas
Wuxuu Yiri Ama Farskayga Ii Hay Siaan U Dego Usoo Qabsado Howlahayga Ama Inaan Adiga Kuuqabto Faraskaaga Oo Intaad Degto Howshayda Isoo Qabato Waxaan Ku Iri Ok Deg Soo Qabso Howshaada Adaa Iga Garan Og Faraskana Iigu Imow Wuxuu Igusoo Diiray Xariga Faraskiisa Waan Uqabtay
Anigoo Raali Kunqoday Inaan Khaadim Unoqdo Dabadeed Wuu Sii Socday Ilaa Uu Kagalay Teendhada Wuxuu Soo Qafaashay Gabar Qurux Badan Oo Gabar Lamid Ah Indhahaygu Aysan Weligood Qaban Hal Buu Kusoo Kaxaysatay Wuxuu Igu yiri
Camarow Waxaan Ku Iri Naftayda Ayaan Kugu Furtay Mudane Wuxuu igu Yiri Hasha Soo Kaxay Adigu Waan Horsocday Isaguna Wuu Iga Dabeeyey Ilaa Aan Subaxdii Kagaarnay Wuxuu Igu Yiri Bal Eeg Eeg Hareeraha Wax Ma Aragtaa Waxaan Ku Iri Waxaan Arkaa Geel Wuxuu Igu Yiri Socodka Dejdeji Oo Fiiri Hadii Ay Dadku Yihiin Kuwo Yar Waa Xoog Awood Iyo Geeri Hadii Ay Badanyihiina Waxba Maaha Waan Eegay Waxaana Ku Iri Waa 4 Ma 5 qof Wuxuu Igu Yiri Dejdeji Socod Markii Aanu Maqalnay Sawaxanka Fardaha
Wuxuu Yiri Camarow Waxaad Ahaanaysaa Midigta Dariiqa Halkaas Itsaagnow Waan Istaagay Isguna Wuxuu Istaagay Dhanka Bidix Dadka Baa Soo Dhowaaday Mise 3 Qof Oo Kujiro Oday Da,A Ah Waxay Soo Istaageen Wadada Dhinaceeda Bidix Odagii Baa Yiri Iska Dhaaf Gabadha Wiilkii Walaalkayow Wuxuu Yiri Ma Iska
Daynaayo Hadaan Iska Daynaayo Masoo Kaxaysteen Wuxuu Kuiyiri Wiilashiisa Kii Yaraa Usoo Bax Waxa Uu Soo Baxay Isagoo Warankiisa Jiidaya Xaarisna Wuu Soo Booday Waala Dagaalamay Ilaa Marki Dambe Ka Awood Batay Wiilki Yaraa Warankuuna Lahelay Dhulkuu Kudhacay Isagoo Mayd Ah Odagii Wuxuu Lahadlay Wiilkiisi Kale Wuxuuna Kuyiri Aabe Geeridu Marbay Nolosha Duliga Ah Dhaantaaye Ubax Ninkaan Sidoo kale Xaaris Baa
Soobaxay Way Dagaalameen Wiilkana Wuu Mintiday Ilaa Uu Markii Dambe Jaanis Kuhalay Xaaris Waranka Uga Baxay Wiilki Kalena Halkaas Buu Geeriyooday Odagii Labadiisi Wiilba Waa Wayey Keligiis Baa Meesha Kusoo Harey Wuxuu Kuyiri Walaalkay Wiilkiisow Iska Dhaafkan Dagaalkan Aniguna Maahi Sida Aad I Arkayso Idhaaf Gabadhayda Xariis Ayaa Kuyiri Umasoo Kaxaysan Inaan Sii
Dhibyar Kusiidaayo Gabadhan Markaas Buu Yiri Dooro Wiilkii Walaalkayow Inaad Weerar Soo Qaado Iyo Inaan Kuguso Qaado Wuxuu Yiri Weerar Samee Adigu Markaas Buu Odagi Yiri Tixdan Cajiibka Ah Maxaan Rajaynayaa Marka Noloshaydii Dhamaatay Sanadaha Waxaan Kadhigi Doonaa Bil Oo Kale Shiikh Ilaaliya Haweenka Teendhada Runtii Xadgudubkuna Waa Fal Dhabarjab Ah
Xaarisna Wuu Soo Baxay Isoo Leh Safarkayga Dheer Iyo Safarrada Aan Soo Galay Kadib, Waan Guulaystay Qalbigayguna Wuu Bogsaday Geeriduna Wayka Wanaagsantahay Dharka Khiyaanada Waxaan Ceebta Hadyad Uga Dhigaya Kuwa Nool Ee Reer Bakar Ugu Damabayn Intaas Kabacdi Odagii Baa Soo Dhowaaday Oo Yiri Waankusoo Baxayaa
Hadii Aad Iga Awood Badato Idil Anna Hadii Kaa Xoog Roonaado Waanku Dilayaa Markaas Ninki Dhalinyarada Ahaa Baa Kafaaidaystay Fursadaas Oo Yiri Waan Bilbayaa Dagaalka Intuu Seefta Kor U Qaaday Markii Uu Odagi Arkay Inuu Madaxiisa Kudhuftay Ayuu Isaguna Caloosha Waranka Uga Aadiyey Dhulka Ayay Kudheceeb
Labadooduba Iyagoo Mayd Ah Kabacdi Waxaan Soo Qaatay 4 Faras Iyo 4 Seefood Fardaha Intaan Xargaha Isugu Xiray Baan Dhanka Hasha Usoo Jeensaday Gabadhii Baa Igu Camarow Xagee Ii Wadaa Saxiibadaana Maahi Mana Tihid Kuwa Aan Arkay Hadii Aad Saaxiibkay Ahaan Lahayd Waxaad Raaci Lahayd Jidkooda Waxan Iri Aamus Waxay Tiri
Hadii Aad Iga Adkaato Adaa Ileh Hadiise Aan Kaa Adkaado Waanku Dili Doonaa Waxaan Ku Iri Taas Kuma Siin Doono Waan Aqaan Abtirsiimahaaga Iyo Geesinimada Dadkaaga Waxay Iska Tuurtay Hashii Waxay Tiri Aabahay Iyo Walaalahay Kadib Mawaxan Raadiyaa Nolol Raaxo Leh Iyaga Kadib Maxaan U Ogolaan Wayay In Geeridu Ay Noqoto Arinkaas
Kahor Waranka Ayay Si Degdeg Ah Udaftay Waxayna Kusigtay Inay Gacanta Iiga Dhufato Markii Aan Arkay Tan Waxaan Kabaqay Inay Iga Adkaato Markaasna Ay Idili Doonto Markaas Waan Dilay Safarkaygii Baan Iska Watay Dad Aan Arko Dadkaas Ayaa Ugu Geesinaa Halkaas Waxaa Kusoo Dhamaatay Qisadii Ugu Layaabka Badnayd Camar Binu Macdiikarab Uu Uga Sheekeeyay Cumar Binu Khadaab RC Duluucda Sheekada Weligaa Qof Haku Qiimayn Qaabka Uu Kuula Muuqdo Waxaa Jirta Tayo Uqarsoon Aad Ku Kadsoomi Karto Hadiiba Camar Binu Macdiikarab Qisadaas Lakulmay Dad uusan Kafilnayn.
📢Ogaysiis
Waxaan Shabakada Google Kacodsanaynaa Inay Diwaan Geliso Ereyada Transtion Words Ka Ah Ee Afka Soomaaliga Kuwaas Uysan luuqada Englishka Ilaa iyo Hada Aqoonsanin Waxaan Turjumayaa Dhowr Eray Oo Aan Kuhor Qori Doono Macnohooda
But Meaning| Laakiin . However Meaning |Si Kastaba Ha Ahaatee . Simalarly Meaning| Sidoo Kale . LikeWise Meaning |Si Lamid ah . In The Same Way Meaning| isla Sidaas. Since Meaning|Maadaama . Therefore Meaning|Sidaa Darteed. First Meaning|Ugu Horayn. Finally Meaning| ugu Dambayn.
Inconclusion Meaning|Gunaanadkii. To sum up → Meaning| Marka la soo koobo. Overall →Meaning| Guud ahaan . For example → Tusaale ahaan Such as → Sida.
Had Iyo Jeer Waxay Kamid Tahay Ereyada Afsoomaliga Ah OO Transition Words Luuqada Kamid Ah.
Follow Us Our Facebook Page MaslaxCable TV







