
Qisada Wiilkii Yaraa Halyeyga Ahaa
Dagaalkii Yarmuuk Ee Saxaabadu Ruum Kula Jirtay Ayaa Waxaa Soo Baxay Nin Xoog Wayn Faanaya Oo Rabo Qof Muslimiinta Ugasoo Baxo Sida Caadada Ah Kaljarka Dagaalka Qeybaha Aadka Lootixgeliyo Waxaa Kamid Ahayd Inuu Qofku Soo Baxo Qof Kale Oo Nidkiisa Dalbado Dadkana Ay Isku Fiirsadaan Ninki Laga Adkaado Taaso Inta Badan Soo Caansaari Jirtay Halyayo Magac Sumcad Aduunkan Uga Tegay
Markaas Bay Muslimiinta Dhankooda Kasoo Baxay Wiil Aad U Yar Lagu Qiyaaso Inuu Kayaryahay Da,Da 20aad Aan Cidna Garanayn Wajigiisu Iftimayo Iimaanku Qalbigiisa Buuxiyey Wuxuu Soo Aaday Dhanka Abuu Cubeyda Oo Ahaa Amiir Ciidanka Wuxuu Kuyiri Adeer Waxaan Rabaa Inaan Qalbigayga Shaafiyo Lana Dagaalamo Cadowgayga Iyo Cadowga Islaamka Naftaydana U Hibeeyo Ilaahay Dartii Laga Yaabaa In Ilaahay Shahaado Igu Irsaaqo Ma Ii Ogolaanysaa?
Waxaa Aad Usoo Jiitay Hadalkaas Qalbiga Ubuu Cubeyda Rc Wuxuuna Kuyiri Gal Dagaalka Adeer Ilaahay Haku Barakeeyo. Wuu Soo Baxay Wuxuu Usoo Dhowaaday Ubuu Cubeyda Wuxuuna Kuyiri Hadal Ka Oohiyey .Abuu Cubaydow Nebiga Ilaahay Nnkh Wax Maka Codsanaysaa ?
Wuu Ilmeeyey Amiinkeeni Abuu Cubayda Ilaa Ay Gaartay Garkiisa . Markaas Buu Kuyiri Salaan Iga Gaarsii Rasuulkii Alle Una Sheeg Inaanu Helnay Yaboohi Alle Noo Yaboohay Oo Dhab Ah Wuxuu Soobaxay Wiilkii Dhalinyarada Ahaa Oo Cid Taqanii Yareyd Balse Ay Kufilnayd Aqoonta Uu Ilaahay Yaqaan Ninkii Xooga Waynaa Buu Usoo Way Dagaalameen Ilaa Uu Kaga Takhalusay
Wuxuuna Qaatay Faraskiisii Iyo Hubkiisi Wuxuuna Udhiibay Muslimiinta Marlabaad Buu Soo Noqday In Loo Banbaxo Buu Dalbaday Kii Labaadna Wuu Kaga Takhalusay Kii Sadexaad Baa Usoo Baxay Isna Wuu Kaga Takhalusay Kii 4aad Baa Usoo Baxay Isna Wuu Ka Guulasytay Ilaa Markii Dambe Kii 5aad Usoo Baxay Isagoo Tacabka Ka Awood Batay Oo Daalan Ayaa Lahelay Seefta Qooorta Ayuu Kajaray Dhulka Ayuuna Kutuuray Madaxi Wiilkii Yaraa Halyeyga Ahaa Halkaas Ayuu Ku Shahiiday Waana Urumowday Riyadiisii Idamka Ilaahay Wuu Lakulmi Doona Rasuulka Nnkh Wayna Gaartay Salaantii Abuu Cubeyda Inshilaah Halkaas Ayay Kusoo Dhamaatay Qisada Wiilkii Halyeyga Ahaa.
Gacmahaaga Kabuuxso Saliga Nebiga ﷺ Sallaahu Calayhi Wasallam Nabadgelyo Iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaato .
❓Maxaa Kaaga Baxay Qisada Wiilkii Yaraa Halyeyga Ahaa Noogu Rayigaaga Qeybta Faalada.
📢Ogaysiis
Waxaan Shabakada Google Kacodsanaynaa Inay Diwaan Geliso Ereyada Transtion Words Ka Ah Ee Afka Soomaaliga Kuwaas Uysan luuqada Englishka Ilaa iyo Hada Aqoonsanin Waxaan Turjumayaa Dhowr Eray Oo Aan Kuhor Qori Doono Macnohooda
But Meaning| Laakiin . However Meaning |Si Kastaba Ha Ahaatee . Simalarly Meaning| Sidoo Kale . LikeWise Meaning |Si Lamid ah . In The Same Way Meaning| isla Sidaas. Since Meaning|Maadaama . Therefore Meaning|Sidaa Darteed. First Meaning|Ugu Horayn. Finally Meaning| ugu Dambayn.
Inconclusion Meaning|Gunaanadkii. To sum up → Meaning| Marka la soo koobo. Overall →Meaning| Guud ahaan . For example → Tusaale ahaan Such as → Sida.
by MaslaxCableTV Follow Us Our Facebook Page MaslaxCable TV







