Hoggaamiyaha Sare Ee Iiraan  Mojtaba Khamenei Oo dhaawacan Ayaa Ka Maqan Indhaha Shacabka

Mojtaba Khamenei

Hoggaamiyaha sare ee Iiraan  Mojtaba Khamenei(Majtabaa Khaamini) oo dhaawacan ayaa ka maqan indhaha shacabka, Balse Weli Waxa Uu  hagayaa istaraatiijiyada Dalkaasi, Sida Ay qiimeeyeen Khubarada Sirdoonka Dalka  Mareykanka.

Sirdoonka Mareykanka Ayaa Qiimeeyay In Hoggaamiyaha Cusub Ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, Uu Door Muhiim Ah Ka Ciyaarayo Dejinta Istaraatiijiyadda Dagaalka Isaga Iyo Saraakiil Sare Oo Iiraaniyiin Ah.Si Kastaba Ha Ahaatee  Maamulka Iiraan Ayaa Weli Jaahwareersan Kadib Weerarro Lagu Dilay Hogaamiyaha Cusub Aabbihii Iyo Hoggaamiyeyaal Ciidan Oo Badan. Mojtaba Khamenei Laguma Arag Meel Fagaare Ah Tan Iyo Markii Ay Dhaawacyo Culus Kasoo Gaareen Weerarkii Billowga Dagaalka.

Waxaa La Sheegay Inuu Qabo Gubashooyin Iyo Dhaawacyo Jirka Ah, Isla Markaana Uu Weli Daaweyn Ku Jiro. Sirdoonka Mareykanka Weli Si Muuqaal Ah Uma Xaqiijin Halka Uu Ku Sugan Yahay.Mojtaba Khamenei. Wararku Waxay Sheegayaan Inuusan Isticmaalin Qalab Elektaroonig Ah, Balse Uu Dadka Kula Xiriiro Farriimo Loo Gudbiyo Ama Dad Si Toos Ah Ula Kulma. Taasi Waxay Sii Kordhisay Shakiga Ku Saabsan Awooddiisa Dhabta Ah Ee Maamulka Iiraan.

Dhanka Kale, Mareykanka Ayaa Weli Doonaya Xal Diblomaasiyadeed Oo Lagu Soo Afjarayo Dagaalka, Inkastoo Xabbad-Joojin Jilicsan Ay Socoto. Qiimeynta Sirdoonka Ayaa Sheegaysa In Iran Ay Weli Awood Militari Leedahay Inkastoo Duqeymo Culus Lagu Qaaday. Waxaa La Sheegay In Qayb Weyn Oo Ka Mid Ah Gantaal-Ridayaashooda Ay Badbaadeen.

Warbixin Kale Oo CIA Ah Ayaa Tilmaamtay In Iran Ay Dhaqaale Ahaan U Adkeysan Karto Go’doominta Mareykanka Dhowr Bilood Oo Dheeraad Ah. Si Kastaba Ha Ahaatee  Dhaqaalaha Iyo Ciidamada Iiraan Ayaa Si Weyn U Daciifay.

Waxaa Sidoo Kale Jira Warar Sheegaya In Saraakiisha Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mohammad Bagher Ghalibaf (Maxamed Baaqir Qaalibaaf) Ay Hadda Maamulayaan Hawlaha Maalinlaha Ah Ee Dowladda,

Maadaama Aan La Hubin Heerka Uu Mojtaba Khamenei Uga Qeyb Qaadanayo Go’aamada.

Xogaha Mareykanka Ayaa Sidoo Kale Muujinaya In Xitaa Haddii Hoggaamiyaasha Sare La Dilo, Nidaamka Iiraan Uusan Si Fudud U Burbureyn, Sababtoo Ah Dadka Beddelaya Ayaa Iyaguna Ah Kuwa Mayal Adag Leh Oo Si Dhow Ula Xiriira IRGC.

📢Ogaysiis

Waxaan Shabakada Google Kacodsanaynaa Inay Diwaan Geliso Ereyada Transtion Words Ka Ah Ee Afka Soomaaliga Kuwaas Uysan luuqada Englishka Ilaa iyo Hada Aqoonsanin Waxaan Turjumayaa Dhowr Eray Oo Aan Kuhor Qori Doono Macnohooda But Meaning| Laakiin . However Meaning |Si Kastaba Ha Ahaatee . Simalarly Meaning| Sidoo Kale . LikeWise Meaning |Si Lamid ah . In The Same Way Meaning| isla Sidaas. Since Meaning|Maadaama . Therefore Meaning|Sidaa Darteed. First Meaning|Ugu Horayn. Finally Meaning| ugu Dambayn.

Inconclusion Meaning|Gunaanadkii. To sum up → Meaning| Marka la soo koobo. Overall →Meaning| Guud ahaan . For example → Tusaale ahaan Such as → Sida.

By Maslax Cable TV

Follow Our Facebook Page

MaslaxCable TV

Related posts:

1 COMMENT

  1. Waxay Ubadantahay in Maraykanka Uu Kaquusan Doono Iiraan Una Fekeri Doono Badbaadada Dhaqaalihiisa Lkn Iiraan Maahan Awood Si Fudud Ku Laciifaysa Waayo Dadkooda Waqacooda Ayaa Dhisan Caqiidadoodu Haba khaladanaatee

Hot This Week

spot_img

Related Articles

Popular Categories