
Wasiir ka Arimaha Dibada Iiraan Saeed Khatibzadeh Ayaa Ku Tilmaamay In duqeymihii ay Israa’iil Ka fulisay Lubnaan Arbacadii Lasoo Dhaafay Ay Ahaayeen “Xadgudub Culus” oo Ka dhan ah heshiiska Xabbad Joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.
Khatibzadeh Wuxuu Sheegay in Lubnaan ay ku jirtay heshiiskii Laba Toddobaad Soconayay ee Talaadadii la Gaaray Arrin ay Diidan yihiin Maraykanka iyo Israa’iil Wuxuuna Sheegay in Dowlada Maraykanka Ay Ku Khasban Tahay Inay Doorto Dagaal Ama xabbad Joojin.
Ugu yaraan 303 Qof Ayaa Lagu Dilay Arbacadii duqeymo cirka ah oo lagu Bartilmaameedsaday Lubnaan halka Ay Israa’iil ku Sheegtay Inay Duqeymo Ku fulasay Xarumaha taliska iyo goobaha meletari ee Xisbullah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Binyamiin Natanyaahu Ayaa sheegay Inuu Ku Amray Golihiisa wasiirrada inay Bilaabaan Wadahadallo Toos Ah oo Lala yeesho Lubnaan sida Ugu Dhaqsiyaha Badan. Magaalada Bayruut Sidoo Kale Waxay Sheegtay inay diyaar U Tahay Wadahadallo.
Madaxweynaha Lubanaan Joosef Cawuun Ayaa Qoraal Uu Ku Baahiyay Bartiisa Twitterka Ku Sheegay In “Mashruuca kaliya ee xal U Noqon kara Xaaladda Lubnaan Waa in La Gaaro Xabbad Joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, kadibna Ay bilaabaan Wadahadallo Toos Ah Oo Dhexdooda ah,”
Xafiiska Natanyaahu ayaa Sheegay In Wadahadallada Lala Yeelanayo Lubnaan Ay Diiradda saari doonaan hub ka Dhigista Xisbullah iyo Sameynta Xiriir Nabadeed oo U dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.
Tihraan Ayaa Sidoo kale Ku Amri doonta Xulafadeeda Xsibullah inay Joojiso Gantaallada Ay Ku Garaaceyso Israa’iil, Khatibzadeh Wuxuu sheegay in kooxda ay U Hoggaansantay” Xabbad-joojinta.
Si kastaba Ha Ahaatee , Xisbullah Ayaa Khamiistii Sheegtay Inay Weerarro ku Qaaday Israa’iil Habeenkii, Iyadoo Ka jawaab Celisay Waxa Ay Ku Tilmaantay Xadgudubyo Xabbad Joojin. Waxay Sidoo kale hanjabtay inay sii wadi doonto weerarrada Ilaa Gardarrada Israa’iil iyo Maraykanka Ee Ka Dhanka Ah Lubnaan ay dhammaanayaan.
Siaad U hesho Warar Qoto Dheer fadlan Nagalso Soco Website Keena www.maslaxcabletv.com Halkan Waxaad Ka Follow Garaysaan Facebook Page Keena MaslaxCable TV







