Trump Oo Xoojiyey Cunaqabateynta Iiraan Saaran

Trump Oo Xoojiyey Cunaqabteynta Iiraan Saaran

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio Ayaa Sheegay In Maamulka Madaxweyne Donald Trump Uusan Iiraan U Soo Jeedin Wax Cunaqabatayn Ka Qaadis Ah Si Loogu Furo Marin Biyoodka Muhiimka Ah Ee Hurmus  Oo Ah Marin Ay Maraan Maraakiibta Shidaalka Caalamka. Rubio Wuxuu Si Cad U Sheegay In Wada Hadallada Mareykanka Iyo Iiraan Aysan Ku Saleysneyn Is Weydaarsi Arrimo Kala Duwan

Balse Ay Yihiin Kuwo Si Adag Ugu Xiran Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan. Wuxuu Sheegay In Cunaqabatayn Kasta Oo Laga Qaado Iiraan Ay Si Toos Ah Ugu Xirnaan Doonto Haddii Tehran  Ay Ka Tanaasusho Ama Si Dhab Ah U Xaddido Waxqabadyadeeda Nukliyeerka,

Maadaama Mareykanku Uu Ku Andacoonayo In Iiraan Lagu Cunaqabataynayo Horumarinta Uraniumka  (oo Ah Macdanta Laga sameeyo Nukliyeerka). Rubio Ayaa Sidoo Kale Adkeeyay In Mareykanku Uusan Aqbalayn Heshiis Lagu Beddelanayo Furitaanka Marin Biyoodka Hurmus Iyo Cunaqabatayn Laga Qaado Iiraan, Isagoo Sheegay In Labada Arrimood Ay Yihiin Kuwo Kala Madax Bannaan.

By Maslax Cable TV

Follow Us Our Social Media Links

Facebook Twitter Youtube Snapchat Tiktok

Related posts:

Hot This Week

spot_img

Related Articles

Popular Categories