Trump Oo Xoojiyey Cunaqabteynta Iiraan Saaran
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio Ayaa Sheegay In Maamulka Madaxweyne Donald Trump Uusan Iiraan U Soo Jeedin Wax Cunaqabatayn Ka Qaadis Ah Si Loogu Furo Marin Biyoodka Muhiimka Ah Ee Hurmus Oo Ah Marin Ay Maraan Maraakiibta Shidaalka Caalamka. Rubio Wuxuu Si Cad U Sheegay In Wada Hadallada Mareykanka Iyo Iiraan Aysan Ku Saleysneyn Is Weydaarsi Arrimo Kala Duwan
Balse Ay Yihiin Kuwo Si Adag Ugu Xiran Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan. Wuxuu Sheegay In Cunaqabatayn Kasta Oo Laga Qaado Iiraan Ay Si Toos Ah Ugu Xirnaan Doonto Haddii Tehran Ay Ka Tanaasusho Ama Si Dhab Ah U Xaddido Waxqabadyadeeda Nukliyeerka,
Maadaama Mareykanku Uu Ku Andacoonayo In Iiraan Lagu Cunaqabataynayo Horumarinta Uraniumka (oo Ah Macdanta Laga sameeyo Nukliyeerka). Rubio Ayaa Sidoo Kale Adkeeyay In Mareykanku Uusan Aqbalayn Heshiis Lagu Beddelanayo Furitaanka Marin Biyoodka Hurmus Iyo Cunaqabatayn Laga Qaado Iiraan, Isagoo Sheegay In Labada Arrimood Ay Yihiin Kuwo Kala Madax Bannaan.
Follow Us Our Social Media Links



